|
|---|
WARARKII UGU DANBEEYAY EE ADUUN WAYNAHA |
|---|
Wararkii ugu dambeeyay ee qaraxyadii ka dhacay Hargaysa iyo Boosaaso Himilo- Qaraxyadii is xigay ee aadka u xoogganaa ee gilgilay shalay magaalooyinka Hargaysa iyo Boosaaso ayaa waxaa isi soo taraya dhibaatada iyo khasaaraha ay geysteen. 30 Oct 2008 Shirkii IGAD iyo dowladda KMG ah oo lagu soo gabagabeeyay Nairobi Nairobi(Himilo)- Waxaa galabta lagu soo gabagabeeyay magaaladan Nairobi shir labo maalmood uga socday madaxda IGAD iyo qeybaha kala duwan ee dowladda KMG ah ayadoo kulankii gabagabada ee shirkaasina ay ka soo qeyb galeen wafdi ka socda Ururka dib u xoreynta Soomaaliya garabka Jabuuti. 29 Oct 2008 Shekh Sharif oo ka soo qeyb galay Shirka KICC ee IGAD iyo dowladda KMG ah Nairobi(Himilo)- Shekh Shariif Sheekh Axmad oo ah hogaamiyaha Ururka dib u xoreynta dalka garabka Jabuuti ayaa maanta kadib kulan uu la yeeshay Jandayi Fareyzar oo ah u qeybsanaha Maraykanka ee arrimaha Afrika wuxuu ka qeyb galay shirkii ay madaxda IGAD iyo dowladda KMG ah ku lahaayeen xarunta KICC ee magaaladan Nairobi. 29 Oct 2008 Sheekh Shariif oo soo gaaray magaalada Nairobi Nairobi(Himilo)- Sheekh Shariif Sheekh Axmad, gudoomiyaha Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaliya garabka Jabuuti iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Nairobi. 28 Oct 2008 Ciidanka Itoobiya oo khasaare ba'ani ka soo gaaray gaari kula rogmaday kulliyaddii Jaalle Siyaad Muqdisho(Himilo)- Ugu yaraan shan askari ayaa ku geeriyootay, tiro intaas ka badanna dhaawacyo ayaa ka soo gaaray shil baabuur oo maanta barqadii ku qabsaday ciidanka Itoobiya agagaarka kulliyaddii Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho. 28 Oct 2008 Xildhibaan ka tirsan BKMG Soomaaliya oo lagu qabtay hub loona dhaadhiciyay xabsiga Nairobi(Himilo) Cabdi Axmad Faarax oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa loo dhaadhiciyay xabsi ku yaalla magaaladan Nairobi kadib markii lagu qabtay Bustoolad uu xirnaa. 28 Oct 2008 Shirkii IGAD iyo dowladda KMG ah oo ka furmay Nairobi Nairobi(Himilo)- Waxaa saaka si rasmi ah uga furmay magaalada Nairobi shirkii maalmahan-ba la qorshaynayay ee ay garwadeenka ka ahaayeen madaxda Urur goboleedka IGAD ee ay ku kulmayeen madaxda Ururkaas iyo kuwa dowladda KMG ah ee Somalia. 28 Oct 2008 Gudoomiyihii golaha dhaqanka ee Hiiraan oo lagu dilay B/weyne Beledweyne(Himilo)- Alla ha u naxariistee waxaa maanta magaalada B/weyne lagu toogtay gudoomiyihii golaha dhaqanka iyo guurtida ee gobolka Hiiraan Dacar Xirsi Xooshow. 07 Oct 2008 Roobab dabeylo wata oo xalay ku dhuftay deegaanno ay ku nool yihiin Dad ka barakacay Magaalada Muqdisho Roobab dabeylo wata ayaa xalay waxay da’een deegaannada u dhaxeeya Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, halkaas oo ay u barakaceen dad badan oo ka cararay dagaallada aan dhamaadka lahayn ee ka socda Magaalada Muqdisho. 06 Oct 2008 Dowladda Federaalka Soomaaliya oo sheegtay in dib loo dhigay shir loogu qaban lahaa Dalka Kenya Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Fedeaalka Soomaaliya ayaa maanta shaaca ka qaaday in uu dib u dhac ku yimid shir Madaxda iyo Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya loogu qaban lahaa Dalka Kenya. 05 Oct 2008 |
