Somali News | U.S. government has provided about 40 tons of weapons
Last Updated: Jan 21, 2010 - 12:00:00 AM
Munaasabad lagu xusaayo maalinta saxaafadda Soomaaliyeed oo maanta lagu qabtay Muqdisho

 

Munaasabadaan oo u jeedadeeda aheyd maalinta saxaafada Soomaaliyeed islamarkaana lagu xusayey sanad guuradii 37-aad ee kasoo wareegatay ayaa maanta waxaa ay ka dhacaday Xarunta Wasaarada Warfaafinta ee magaalada Muqdisho.
 
Goobta xaflada ay ka dhacaysay oo ay goob joog ka ahaayeen kana soo qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowlada KMG ee Soomaaliya xildhibaano,Madax ka socotay Wasaarada Warfaafinta Dowlada,Abwaaniin iyo Fanaaniin ayaa furitaankii kadib waxaa halkaasi ka hadlay mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen ku xigeenka Ra’iisul Wasaaraha islamarkaana ah wasiirka Kaluumaysiga iyo qeyraadka badda Pro. C/raxamaan Xaaji Aadan Ibbi isagoo u hambaliyeeyay guud ahaan saxaafadda Soomaaliya.
 
Dhinaca kale waxaa kaloo halkaasi ka hadlay Agaasime C/risaaq Yuusuf Bahlaawe oo ku hadlayay Magaca Wasiirka Warfaafinta dowladda KMG oo la sheegay in uu dalka dibadiisa ku maqanyahay waxaana uu isna sheegay in ugu horeyn uu u hambaliyeynayo Saxaafada Soomaaliyeed oo haatan 37-jirsatay.
 
Sidoo kale waxaa goobta ka soo qeyb galay fanaaniin iyo Abwaano kuwaasi oo halkaasi ku soo bandhigay suugaan ku hadlaysa Saxaafadda iyo Habayo hogo tusaaleyn ah.
 
Si kastaba ha ahaatee sanadguurada 37-aad ee ka soo wareegtay Maalinta Warbaahinta Soomaaliya ayaa imaanaysa xili ay daruufo adag heystaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed gaar ahaan bahda Saxaafadda.
 
Xigasho: Radio Shabelle
http://www.youtube.com/watch?v=RHb8jpUliso
spacer