Somali News | Sharif iyo Clinton oo Nairobi ku kulmay
Last Updated: Oct 07, 2009 - 12:00:00 AM
Digniin loo jeediyay Isbitaalka Madiina iyo Maamulka Isbitaalka oo ka hadlay

Isbitaalka Madiina oo ah Isbitaalka ugu qaabilaadda badan isla markaana lagu dabiibo dadka ku waxyeellooba dagaallada aan dhamaadka laheyn ee ka soconaya magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu hor daadiyay waraaqo digniin ah oo lagu dhaliilsann yahay sii waditaanka Isbitaalku uu sii wado howlaha uu ku guda jiro.

 

Agaasimaha Isbitaalka Madiina Dr, Maxamad Yuusuf ayaa sheegay in waraaqaha lagu hor daadiyay Isbitaalka ay ku qornaayeen digniino looga soo horjeedo Hay'adda Isbitaalka ku haysa gacanta ee ICRC, Bukaanno ku sugan gudaha Isbitaalka iyo weliba qaar ka mid ah maamulka iyo shaqaalaha Isbitaalka.

 

Dr, Maxamad Yuusuf ayaa mar uu faahfaahinayay waxa ku qornaa waraaqahaas wuxuu u sheegay idaacadda BBCda in waraaqahaasi ay ku qornaayeen "In Isbitaalka loogu adeego kooxaha ridada isla markaana loogu baaqayo dhamaan dadka ku sugan inay isaga baxaan si degdeg ah".

 

Dr, Maxamad Yuusuf ayaa asagu ku adkeystay in digniinaha noocaas oo kale ah aysan waxba u dhimi doonin sii waditaanka howsha uu hayo Isbitaalka isla markaana ay sii joogteyn doonaan u adeegidda shacabka Soomaaliyeed.

 

Isbitaalka Madiina ayaa ah meesha ugu weyn ee lagu dabiibo dadka ku waxyeellooba dagaallada aan kala go'a laheyn ee ka soconaya caasimadda Muqdisho, Isbitaalka oo shaqadiisa joojiyana waxay khatar weyn ku tahay maatada ku dhibaatoonaysa dagaallada joogtada ah ee ka soconaya Muqdisho.

 

http://www.youtube.com/watch?v=RHb8jpUliso
spacer