Somali News | Canadian Goverment
Last Updated: Dec 31, 1969 - 07:00:00 PM
Maatada, dagaallada iyo Ramadaanka

Sharciga suuban ee Islaamka iyo qawaaniinta kale ee caalamka waxay dhigayaan in qof kasta oo noole ah uu xaq u leeyahay inuu helo arrimaha asaasiga u ah si uu u noolaado sida; Raashin, Biyo, Guri, Daryeel Caafimaad, Xorriyad, iyo in loo aqoonsado qofka uu yahay.

 

Haddaba aniga oo taas ka amba qaadaya ayaa waxaan qormadaydan ku soo qaadanayaa dhibaatada soo gaartay bisha Ramadaan gudaheeda maatida Soomaaliyeed ee ka barakacay dagaallada aan kala go'a laheyn ee ka taagan magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada koonfureed si aan daaha uga qaadno heerka ay gaarsiisan tahay dhibaatada baaxadda leh ee ay la kufaa kacaayaan maatada aan waxba galabsan ee ku dhaqan gudaha dalka.

 

Si liddi ku ah xuquuq-da bini aadamka ee Islaamku dhiirri geliyay ee ah inaan la cabsi gelinin qof bini aadam ah waxaa ayaan darro ah in billowgii bisha Ramadaan ay kooxaha isku haaya arrimaha Soomaaliya ku baaqeen in la sii labalaabo dagaalka u dhaxeeya taas oo cabsi ba'an iyo qalqal ku abuurtay maato badan oo horay uga walwalsanaa sidii ay ku heli lahaayeen wax ay ku afuraan.

 

Arrinku kuma ekaanin kaliya hanadadaad iyo Af, balse waxaa ayaan darro ah in kooxahaasi ay uga dhabeeyeen baaqoodii ahaa in dagaalka la sii wado taas oo sabab u noqotay in magaalada Muqdisho ay ku dhintaan, ku dhaawacmaan, isla markaana ka barakacaan maato badan mudadii lagu jiray bisha Ramadaan ee barakaysan.

 

Maatada rayidka ah ee bir ma gaydada ah ee Soomaaliyeed waxay xaq u leeyihiin si la mid ah shucuubta kale ee caalamka inay ku noolaadaan nabad, iyo nolol deganaansho leh.

 

Kooxaha isku haaya arrimaha Soomaaliya waxaa ku waajib ah inay ilaaliyaan xuquuqda ay leeyihiin maatada Soomaaliyeed, ayaga oo u turaya dadka tabaalaysan ee aan awoodda u laheyn inay ka cararaan dhibaatada ka taagan dalka. Si taas la mid ah waxaa Bulshada caalamka looga baahan yahay inay u guntadaan sidii loo soo afjari lahaa dhibaatada ragaadsatay rayidka Soomaaliyeed ee ayagu markasta ah dhibbanaha u taagan dhibaatooyinka aan kala go'a laheyn.

 

Abdirashid Alim Maow

Himilo Somali Newspaper

 

http://www.youtube.com/watch?v=RHb8jpUliso
spacer