Somali News | Dagaal Caawa fiidki ka dhacay B/weyne
Last Updated: Aug 23, 2009 - 12:00:00 AM
Xisbul Islaam oo diiday baaqii Nabadda ee Sheekh Shariif

Himilo:- Kadib markii uu shalay madaxweynaha dowladda midnimada qaran ee Somalia, Sheekh Shariif Sheekh Axmad ku baaqay in dagaallada la joojiyo inta lagu gudo jiro bisha barakaysan ee Ramadaan, ayaa waxaa arrinkaas si kala goonni ah uga hadlay madaxa ururka Xisbul Islaam, Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo Afhayeenka ururkaas Xasan Mahdi.

 

Shir Jaraa'id oo uu maanta ku qabtay magaalada Muqdisho ayuu Xasan Daahir ku sheegay in sii socoshada dagaalka ee bisha soon ay ku jirto "Guul" oo uu ILaahay Nasri siinayo dadka dagaallamaya oo sida uu sheegay ka soo horjeeda "dad cadow ah oo dalka ku soo duulay".

 

Xasan Daahir ayaa meesha ka saaray in marnaba xisbigiisu wada hadal la galaayo dowladda Sheekh Shariif inta ay ciidamada ka socda dalalka Afrika ku sugan yihiin gudaha dalka Somalia.

 

Dhanka kale Xasan Mahdi oo ah afhayeenka ururka Xisbul Islaam ayaa mar uu u warramayay idaacadda VOA-da iska fogeeyay in wax wada hadal ah ay la galayaan dowladda Sheekh Shariif isagoo sidoo kale masuuliyadda dadka ku wax yeelloobaya dagaallada dusha ka saaray dowladda.

 

Diid-mada ka soo yeertay dhanka Xisbul Islaam ee ah in la joojiyo xabadda inta lagu gudo jiro bisha barakaysan ee Ramadaanka ayaa u muuqan karta mid walwal badan ku abuurta maatada dagaalladu ragaadsadeen ee ayagu la daalaa dhacaayay la dirirka sidii ay u soo dhacsan lahaayeen nolol maalmeedkooda.

 

http://www.youtube.com/watch?v=RHb8jpUliso
spacer