Himilo:- Sheekh Cabdullaahi Nasiif, madaxa Shirweynaha Caalamka Islaamka iyo Sheekh Cabdullaahi Bin Beeh madaxa Golaha Raad muujinta iyo Hanuuninta Islaamka oo labaduba ah Culumo waaweyn oo laga tixgeliyo dunida Muslimka ayaa bayaan ay si wada jir ah u soo saareen ugu baaqay qeybaha isku haya Soomaaliya inay joojiyaan dagaalka.
Bayaankan oo ay baahisay Shabakada Islamtoday ayay culimadu ku sheegeen in ku sii socoshada dagaalka ay salka ku hayso labo arrin oo maldahan " Shubho ah" oo si qaldan loo fahmay. Labadaas arrin ayay culimadu ku sheegeen inay yihiin, Maldah ku saabsan meel marinta shareecada Islaamka iyo mid kale oo ku saabsan Isku xiriirinta iyo Isku goynta ku dhisan dar Alle "Alwalaa' Walbaraa'
Bayaankii oo dhameystiranna wuxuu u qornaa sidan:-
"Diintu waa waano"
Walaalaha Soomaaliyeedow,
Nabad galyo, Naxariis Eebbe iyo Barakaba dushiina ha ahaato.
Waxaa dhab ah inay culimo waaweyn, waxgarad diineed iyo dadka diinta u quma oo kala duwan ay idiin soo direen baaqyo kala duwan. Baaqydaas waxaa ugu dambeeyay kii ka soo baxay Golaha Isbayasiga Culimada Islaamka ee Adduunka ee laydiinku yeerayay inaad joojisaan dagaalka oo aad u garab raaricisaan nabadda. Bayaanka Isbahaysigu idiin soo diray waxaa ku caddaa dambiga weyn ee ka dhalanaya dilka iyo isdilka, ayagoo Culimadu idin soo daliilsadeen caddeymo ka mid ah kitaabka iyo sunnada Nabiga (SCW), looma baahna inaan ku soo celino waxay culimadu idiin sheegeen balse waxaa sax ah aheyd inaad dagaalka joojisaan markii qaylodhaantaasi idin soo gaartay.
Annagoo halkaas ka amba-qaadayna waxa noo muuqata sii socoshada dagaalku inay salka ku hayso labo maldah ama shubhadood oo kala ah, Isku xukunka sharciga Islaamka oo lagu eedaynayo xukuumada Sheekh Shariif inaysan meel marin iyo Maldaha ama shubhada labaad oo ah isku xiriirinta iyo Isku goynta dar Alle "Alwalaa' Walbaraa' " taas oo loola jeedo in xukuumada Shariifku xiriir la leedahay dad aan Muslimiin aheyn. Waxaan arrinkaas u faaqidaynaa si cad (Si uu u halaagsamo qofkii halaagsamaya ogaal, una noolaado qofkii noolaanaya Ogaal)
Labadaan maldah ama shubhadood oo si qaldan loo fahmayna waxay ahaayeen kuwii dhaliyay fikirka Isgaaleysiinta ah "Takfiirka" oo daraadoodna loo daadiyay dhiig badan meelo badan oo ka mid ah dunida Muslimka, sababtuna waxay aheyd fahamka oo gaabnaa iyo caddeymaha oo la dhigay meel ka dhow halkii ay lahaayeen. Waxaa run sheegay Cali Bin Abii Daalib (RC) Markii ay Khawaarijtu ku yiraahdeen "Alle ayaa Xukunka leh" ee uu ugu jawaabay "Oraah xaq ah oo baadil lagu doonay" Sababtoo ah meel aan ku habooneyn ayay dhigeen oraahdaas.
Haddii aan kala qaadno labada Shubho:-
A) Midda hore ee ku dhisan Isku xukunka Sharciga Islaamka ee ku aaddan xad-oogitaanka (Cuquubaatka, sida gacan goynta iyo dhagax ku dilka), Waxaan leenahay shareecada Islaamku waa mid baaxad weyn oo baahsan, saamaynaysana dhamaan qeybaha kala duwan ee nolosha oo dhan, in xadka la oogaana waa qeyb ka mid ah Shareecada Islaamka waana waajib, waa arrin sharcigu dalbaayo, dantuna ku jirto sababtoo ah wuxuu dabar goynayaa fasaadka balse waxaa lagu xeeray arrinkaas Shuruudo kala duwan oo ay ka mid yihiin:-
- In la helo nidaam iyo kala dambeyn iyo hormuud ay leedahay umadda. Haddii uusan jirin hogaan umaddu leedahay arrinkaas ma waajibayo, kaba sii foge ma bannaana in la fuliyo sida uu leeyahay Sheekh Al-Qurdubi.
- Inaysan jirin cabsi laga qabo fitno iyo kala tag diimeed sida ay muujinayso tallaabadii uu Cumar qaaday ee ku aadaneyd Eryidda. "Al-nafy"
- Inaysan jirin maldah dhalin kara inuu xukunkaas meesha ka baxo sida inay jirto gaajo ama wax la mid ah sida ay muujinayso tallaabadii Cumar ee ku aadaneyd inuu sii daayay ni xatooyo sameeyay sanadkii Abaartu jirtay.
Islaamku waa nidaam dhameystiran oo ilaalinaya xaaladaha dhaqaale, bulsho, ammaan iyo ruuxi ee dadka, qofkii aan intaas garaninna ma garan shareecada Islaamka ee ku dhisan fududeynta iyo kheyr sheegitaanka.
Xitaa kadib markii la buuxiyo shuruudahaas Qofkii aan meel marin Shareecada Islaamka -balse aan dafirsaneyn ama inkirsaneyn jiritaankeeda- kama baxayo diinta Islaamka sida dadka cilmiga leh ay xaqiijiyeen. Aayada quraanka ah ee macnaheedu yahay (Qofkii aan ku xukmin diinka Alle soo Dajiyay, Duulkaasu waa gaaloobeen) ayay culimadu ku macneeyeen inay jirto gaalnimo ka hooseysa midda diinta looga baxo sida laga soo xigtay Ibnu Cabbaas iyo Xudayfatu Bin Alyamaan Labadoodaba Alle ha ka raalli noqdee. Taasi ma aha mid ka saaraysa diinta sababtoo ah meesha laga gaaloobaa waa qalbiga oo ah in qofku caqiidada Islaamka toos ugu kufriyo.
Ibnu Cabbaas iyo Xudayfa waxay yiraahdeen "Ma aha mid uu diinta uga baxayo qofku haddii uusan xukunka Alle wax ku xukmin ilaa uu ka beeninayo Ilaahay iyo Rasuulkiisa iyo Malaa'ikta iyo Kutubta iyo Maalinta Aakhiro". Oraahda macnaheedu sidaas yahay waxaa sidoo kale laga wariyay Culimo badan oo ay ka mid yihiin Ibnu Cabaas, Daawuus iyo Cataa. Hadalkaasna wuxuu ku qoran yahay Buugga Tamhiid ee uu leeyahay Alxaafid Ibnu Cabdil Barr 75-74/5.
Si taas la mid ah ayuu leeyahay Sheekha Islaamka Ibnu taymiya oo ah jiritaanka Gaalnimo ka hooseysa Gaalnimada weyn iyo dulmi ka hooseeya dulimga weyn iyo fisqi ka hooseeya fisqiga weyn. Waxa sidoo kale arrinkaas tilmaamay Imaam-yada Sunnada Sida Axmad Ibnu Xanbal sida aan sheegi doonno insha allah.
"Waxaa arrinka gaalnimada ka sokeysa midda diinta looga baxayo ah qoraal dheer ka sameeyay Ibnu Cabbaas, waxaana ku raacay Axmad Ibnu Xanbal, waxana la sheegay inuu Bukhaarina la mid ahaa" Sidaas waxay ku qoran tahay fatwooyinka Ibnu Taymiyah.
Waxaa arrinkaas lafa guraya kitaabkeena “ Fataawaa Fikriyah” Qeybtiis Gaaleysiinta ama “ Takfiirka”
Marka aan sidaa u qeexayno arrinka, macnaha aan doonaynaa ma aha in la sahashado Shareecada Islaamka iyo meel marinteeda balse waxay naga tahay inaan dhigno arrin kasta halka ku haboon si loo joojiyo dhiigga daadanaya, loona helo jawi saamaxaya in la meel mariyo sharciga ILaahay.
Ilaahay ma cadaabin reer Makka ayaga oo saaray Suubanaha Nabad galyo iyo Naxariis dushiisa ha ahaatee oo dhibaateeyay saxaabadiisa rag iyo dumarba, sababta uusan Ilaahay u ciqaabinna waxay aheyd inay ku dhax noolaayeen reer Makka dad aan waxba galabsan oo maati ah.
Ilaahay wuxuu aayad qur’aan ah ku leeyahay. “Haddii aysan jiri laheyn rag iyo dumar xaqa rumeeyay {oo ku nool Makka} oo markaad cagta saartaan {gaalada Makka} mashaqada ayagana saameyneyso, {waa laydin fasixi lahaa dagaalka Makka} Si Eebbe u geliyo Naxariistiisa cidduu doono {ayaan laydiinku fasixin} Haddii ay gaaladu soocmi lahaayeen waxaan marin laheyn cadaab xanuun badan".
Sideed ku qaadaysaan dagaal aad ku laynaysaan maati aan waxba galabsan adinka oo sheegaya inaad xaqa difaacaysaan?
B) Maldaha labaad waa midka ah Isku xiriirinta (gargaarsiga) iyo Isku goynta dar Alle, “Alwalaa’ Walbaraa” Ayadana waa mid la dhigay meel aan ku habooneyn loona macneeyay si aysan aheyn , waxaa lagu gaalaysiiyay dadkii muuqaal aan dhab aheyn oo aan wax la fahmi karo ku dhisneyn.
Erayga "Wilaaya" iyo wixii ka farcama sida "Mawlaa" iyo "Weliyun" wuxuu ku yimid macnayaal kala duwan markii la fiiriyo kitaabka iyo sunnaha. Alwaliyyu waxay ku timid 21macno oo uu ku mid yahay Ilaahay Sare noqoye sidoo kale waxaa ka mid ah macnayaalka uu ku soo arooray eraygaas, ninka hantida leh iyo kan wax xoreyn kara iyo sokeeyaha iyo deriska iyo adeerka iyo dan-wadaagaha iyo gacan siiyaha intaba.
Ninka la yiraahdo Murtada Bin Zeyd wuxuu leeyahay “Inta badan macnayaalka aan soo sheegnay waxay ku yimaadeen axaadiista Nabiga (SCW) waxana la raacayaa mid walba xadiiska uu ku jiro macnaha uu wato".
Gargaarsiga ama xiriirintu way kala duwan tahay, midka kaliya ee diinta looga baxaana waa midka ku dhisan caqiidada, oo macnaheedu yahay inaad qof ku gargaarsato adigoo ugu dhowaanaya caqiidadiisa haddii aysan Islaam aheyn.
Xiriirinta waxaa ka mid ah mid aan laga maarmin sida midda qaraabada xitaa haddii ay gaalo yihiin taas oo caddeynteedu qur’aanka ku soo aroortay, “Qaraabada qaarba qaarka kale ayaa ugu mudan is xiriirintooda” iyo Xadiiski Suubanaha SCW, ee ahaa “ Xiriiri Hooyadaa” hooyadeedna waxay aheyd qof aan muslim aheyn.
Waxaa sidoo kale xiriirinta ka mid ah mid aan bannaaneyn sida in qof lagu xiriiryo macsida Eebbe iyo ku garab istaagga inuu qofkaasu dil sameeyo, balse qaar ka mid ah kooxaha Islaamka ayaa sooyaalkii oo dhan macno aan sax aheyn ka bixin jiray arrinkaas. Culumo waaweyn oo uu ka mid yahay Imaam Axmad Ibnu Xanbal ayaa ka digay arrinka noocaas ah. Waxa ku sugan warinta Al-Asdakhri uu ka warinayo Imam Axmad “ Gargaarsiga ama xiriirintu (Alwalaa)waa bidco, Goynta ama ka tagistuna (Albaraa’)waa bidco….Qoraalkaasu wuxuu ku sugan yahay “Dabaqaat Alxanaabilah”. Cabdullaahi Bin Axmad, wuxuu ka sheegay arrinkaas waxbadan asagoo ku qoray “Kitaab Alsunnah”.
Ma bannaana in lagu dhaganaado maldaha gargaarsiga iyo goynta dar Alle si loola diriro ciidamada Afrika ee u yimid inay garab istaageen dalka kuna jooga go’aan wada jir ah oo ay gaareen dowladaha gobolka iyo midda Sheekh Shariif. Muslimiinta kooda ugu yar ayaa wax badbaadin kara oo qofkii uu badbaadiyaa aan laga taaban Karin, sidee ayay noqonaysaa haddii kan wax badbaadiyay uu yahay mas’uul weyn?!! Ma bannaana in lala diriro si kasta oo ay arrin ahaataba. Si la dagaallankooda ka duwan waxaa dushiinna ah inaad walaalihin la heshiisaan oo aad la jaan goysaan goorta ay baxayaan. Markaad heshiisaan ayaa baahidoodu meesha ka baxaysaa oo ay idinka tagayaan.
Eebbe weyne ka cabsada oo dhexdiina heshiiya, qaarkiin yuusan kuwa kale gaalaysiinin, “Dhamaantiin Eebbe u towbad keena Muslimiintow waxaa hubaal ah inaad towbadaas ku liibaanaysaane”.
Intaas waa waanadeeni aan idiinku tala galnay, waxaanan diyaar u nahay inaan arrinkaas idin-la falanqayno si aan arrinkan iyo kuwo kaleba runta uga wada ogaanno.
Xukuumadda ay doorteen waxgaradka iyo hormuudka bulshada ama ay doorteen qeyb ka mid ah raggaas, waxaan ugu yeeraynaa ayadana inay la hadasho kooxaha diidan inta aysan la dagaalin sidii uu sameeyay Cali Bin Abii Daalib markii uu Khawaarijta u diray Cabdullaahi Ibnu Cabbaas.
Waxaan ka rajaynayaa labada dal ee Shacabka Soomaaliyeed gacanta u fidiyay markii ay dalka Xabashidu ku soo duuleen, Jabuuti iyo Ereteria inay ku kaalmeeyaan Soomaalida inay is haleelaan oo agab aruursadaan, waa ku mahadsan yihiin taageeradii iyo soo dhoweyntii iyo waxkasta oo ka dhigaya in loo abaal gudo oo ay ku tallaabsadeen-ba.
Waxaan ka rajaynaynaa culumada Soomaaliyeed inay baahiyaan qoraalkeena oo ku noqdaan, oo ay saxaan, kana faalleeyaan. Ujeedadeenu waa inaan xaqa baahinnaa dhiigana ilaalinaa.
Waxaan Soomaalida dhamaantood ka rajaynayaa inay u guntadaan sidii dalka looga saari lahaa dagaallada, dib udhaca, is qabqabsiga, burburka iyo aafooyinka kaleba waa kaas Jihaadka dhabta ah. Jihaadka sida uu sheegayo Ibnu Taymiyah waa mid kulansanaya dhamaan Falalka suuban sida ku sugan Al-ikhtiyaaraat-ka uu qoray Albacli.
Waxaa suurto gal ah inaan is tusno muuqaal ay ka wada dhax muuqan karaan kooxaha is haya dhamaantood Baarlamaanka iyo Xukuumadda lana taabba galiyo waaxyaha nidaamka ee ku dhisan ka soo dheehashada sharciga Islaamka.
Qorshe Nololeed ayaa noo muuqan kara mana aha qorshe geeri. (Kuwa xaqa rumeeyayoow u dhaga nuglaada Eebbe iyo Suubanaha markii ay idiin-ku yeeraan wax idin noolaynaya) Waa nolosha wanaagsan ee suurto galinaysa inuu qofku gaaro barwaaqo nolosha hore iyo midda dambe labadaba.
Waa in dhaqaalaha la kobciyaa, oo qaxootiyadu soo laabtaan, oo dadka dhibaataysan la kaalmeeyaa, oo la diyaariyaa qofka waxgalka ah ee tababaran. Waa in la dajiyaa nidaam suuban oo ku dhisan sharciga Islaamka ee ku dhisan dulqaadka iyo fidsanaanta ayada oo la eegayo waxa ay ogoshahay shareecada iyo waxa ay meel iska taagtay intaba.
Waa in lala yimaadaa hannaan siyaasad dibadeed ku dhisan deris wanaag iyo in la ilaaliyo maslaxadda Umadda Soomaaliyeed. Waa in labada dowladood ee Jabuuti iyo Ereteria looga mahad celiyaa kaalintoodii ku aaddaneyd markii ay Xabashidu dalka soo galeen.
Dhamaan dalalka carabta iyo Islaamka iyo kuwa kaleba waxay dowr ku yeelan karaan soo celinta nabadda iyo horumarka. Tallaabo kasta oo dhinaca Soomaaliya loo qaado oo aan aheyn in Xabashidi gardarrada sameysay la garab istaago waa loo baahan yahay.
Waa in la helaa ciidan xoog leh oo Soomaaliyeed oo ay ku wada jiraan Shabaab Almujaahidiin iyo Jeneraalladii Soomaalida ahaa ee waaweynaa. Waa in la helaa ciidan ay ka mid yihiin burcad badeeddu kuwaas oo heli doono fursad ay ugu adeegaan dalkooda si ka duwan inay jid gooyayaal badda ah noqdaan, waxana laga dhigi karaa qeyb ka mid ah ciidanka badda Soomaaliyeed si Maraakiibta shisheeye ay ugu noqdaan meelihii ay ka yimaadeen.
Waa inaad madaxiina kor u qaadaan, oo aad garabsataan dhamaan wixii aad iska kaashan kartaan in adduunku nabad noqdo balse aan aaminsaneyn fikradda burburka iyo dagaalka ah,
Waad muujiseen geesinimadiina ku dhisan dagaalka muujiya midda kale ee ku dhisan wanaagga iyo horumarka.
Islaamku waa raxmad adduunka la keenay waana diin isku dhowaynaysa bulshooyinka oo jaceyl ku dhisan.
Sida Ibnu Isxaaq warinaayo Nabigu (SCW) wuxuu joojiyay ciidankiisa si Ey caruur yaryar wadataa ay u marto jidka oo aan loo argagixin, kawarran ninkii Muslimiin ama dad bani aadam ah cabsi galiya?!!
Inta aan idiin sheegnay waa fikrado nagu soo dhacay iyo canaawiin aan doonayno inaad sii lafa gurtaan waxayna macne u tahay meel marinta sharciga siyaasiga ee maslaxadda ku dhisan ee Islaamka kaas oo ah yool ka mid ah kuwa uu tiigsanayo Sharciga Islaamku.
Eebbe ayaa ujeedkeeda iska leh, Isaga ayaanan talo saaranay.
Nabad galyo iyo Naxariis Eebbe iyo Barakaba dushiina ha ahaato
Proffesor, Cabdullaahi Cumar Nasiif
Madaxa shirwaynaha Caalamka Islaamka
Professor Cabdullaahi Bin Beeh
Madaxa Golaha Raadmuujinta iyo Hanuuninta Islaamka
Qoraalka oo carabi ah halkan ka fiiri:-
Waxaa Tarjumay: Abdirashid Alim,
Himilo Somali Newspaper
Email: reshiid@hotmail.com